
Afhayeenka ciidanka Xoogga dalka Kornayl Cali Xaashi ayaa sheegay inay ku dileen in ka badan 70 ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana ay Ciidamada ka soo hooyeen guulo la taaban karo dagaal ka dhacay gobolka Sh/dhexe.
Afhayeenka ciidanka xoogga dalka ayaa xusay in Alshabaab markii laga soo xoreeyay tuulooyin dhowr ah ay bilaabeen inay Warta Jilaable gabaad ka dhigteen, halkaasna jab xoogan loogu geystay, isagoo intaa ku daray in ciidamada ay si buuxda gacanta ugu hayaan goobihii lagu dagaalamay.
Kornayl Cali Xaashi ayaa sheegay inay Warbaahinta la soo wadaagi doonaan qasaaraha dhabta ah ee ay ciidamada u geysteen maleeshiyada Al-Shabaab, maadama ay ciidamadu ku howlanyihiin howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.
