Wefdi uu hogaaminaayo reysulwasaaraha oo goor dhaweyd gaarey magalada jowhar

0
256

Wafdi uu hogaaminaayo Raysal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaw gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Wafdiga Raysal wasaare Rooble ayaa halkaasi waxaa ka dajisay diyaarad nooca khumaatiga u kacdo oo ka qaaday magaalada Muqdisho, iyadoo uu xiran yahay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar oo aay saameyn ku yeelatay fatahaada dhawaan ku dhufatay magaaladaasi.

Raysal wasaare Rooble oo aay wehliyaan xubno ka tirsan golahiisa wasiiradda ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo shalay isna dib ugu laabtay magaalada Jowhar.

Wafdiga Raysal wasaaraha ayaa kormeer ku tagay goobaha ugu daran ee uu fatahaada ka sameeyay wabiga Shabeelle, waxaana safarkiisa uu kusoo beegmaya xili magaalada Jowhar aay biyaha wabiga shabeelle go’doon galiyeen muddo hal bil ah maciishada qutul daruuriga ahna aay aad uga sarakacday magalaada.