Dayaaradaha dagaalka kenya oo duqeymo ka geystey deegaano ka tirsan gobolka gedo

0
237

Diyaarado dagaal oo ay leedahay Kenya ayaa waxay weerar duqeymo ah ka fuliyeen Deegaano katirsan Gobolka Gedo, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi ayaan weli la ogeyn inta uu gaarsiisan yahay hayeeshee dadka deegaanka ceel cade ku dhaqan ayaa xaqiijiyey in xaaladu tahay mid cakiran.

Wararka aynu ka heleyno gobolka gedo ayaa sheegaya in ay dhowr gantaal ku dhaceen Ceel cade iyo lukooleey, waxaana deegaanadaasi ka arimiya Ururka Al Shabaab.