
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in Ciidamada Asluubta aysan aheyn kuwo loogu talo galay in dadka dilaan, isla markaana ay yihiin Ciidan Qaran oo dadka badbaadinaya
Taliyaha oo u muuqday mid ka jawaabayay is rasaaseyntii shalay dhex-martay ilaalada Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud & Ciidanka Asluubta ayuu sheegay in Ciidanka Asluubta mudan yihiin in raali gelin la siiyo.
Madaxdii hore ee dalka gaar ahaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Kolonyo gelibeysay la rasaaseeyay ayuu sheegay in looga baahan yahay inay raali gelin ka bixiyaan wixii dhacay.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sidoo kale sheegay in wadada hormarta Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Cadaaladda ay tahay midda ugu amniga wanaagsan loogana baahan yahay cid kasta oo mareysay inay si cadeeyso.