Xukuumada oo ka hadashay dhaqaalaha doorashooyinka iyo cida bixineysa

0
126

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay si faah-faahsan uga hadashay halka ay ka imaanayaan dhaqaalaha doorashooyinka, oo lagu qabanayo doorashooyinka dhawaan heshiiska looga gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in dhaqaalaha doorashada uu ka imaan doono dowladda federaalka, musharaxiinta iyo beesha caalamka, oo kaalinta u weyn ka qaadaneysa bixinta dhaqaalahaas.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in muhiim ay tahay in la helo dhaqaalaha doorashada, maadama socod-siinteeda ay ku baxeyso dhaqaale badan oo uu ku sheegay qiyaastii lacag kor u dhaafeysa 15-Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Beesha caalamka oo la rumeysan yahay inay bixineyso dhaqaalaha ugu badan ee ku baxaya doorashada, ayaa billooyinka soo socda dowladda soo gaarsiin doonta, xili heshiis rasmi ah laga gaaray khilaafkii mudada dheer taagna ee doorashooyinka.