
Soomaaliya iyo dalal badan oo kuyaala afrika iyo bariga dhexe ayaa lumin kara xuquuqdooda codbixinta Golaha Guud qaramada midoobay sida lagu sheegay warqad la faafiyey Arbacadii shalay.
Dalalkan ayaa lagu leeyahay xuquuqda miisaaniyadda hawlgalka ee Qaramada Midoobay oo gaaraysa malaayiin dollar.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa warqad uu u diray Madaxweynaha Golaha Guud Volkan Bozkir ku sheegay in seddex wadan oo Afrikaan ah oo kala ah, Comoros, Sao Tome and Principe, iyo Somalia ay wali ka codayn karaan kalfadhiga hadda socda oo ku eg Sebtember.
Axdiga Qaramada Midoobay ee ay ku midaysan yihiin 193 waddan, ayaa dhigaya in xubnaha deyntoodu ka badato xaddiga tabarucaadkooda ay luminayaan xuquuqdooda codbixinta.
Sida ku xusan warqadda xoghayaha guud, lacagta Soomaaliya lagu leeyahay si loogu soo celiyo xuquuqda codbixinta waa $1,443,64.