
War goor dhaweyd aynu ka helney Degmada Afgooye ee gobolka shabelaha hoose ayaa sheegaya in deegaano hoostaga degmada uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamo katrisan dawlada iyo Al Shabaab.
Dagaalkani ayaa la sheegayaa in uu ka socdo Deegaanka lagu magacaabo Doonka oo 5km u jira degmada afgooye kaasoo geytey qasaare kala duwan.
Dagaalkani ayaa la sheegayaa in uu bilowdey kadib kolkii ciidamada alshabab ay wadada u galeen gaadiid dhuxul ku rarneyd oo mararey wadadaas ayada oo la sheegayo in babuurta qaar la gubay.