
Waxaa saaka guud ahaan degaannada Soomaliland si nabadgelyo ah uga bilaawday doorashada Golaha Wakiilada iyo degaanka Soomaliland oo markii ugu horreeysay si isku mid ah u dhaceysa.
Doorashada ayaa waxaa ka qeyb galaya oo codeynaya in ka badan ( Hal Malyan) oo qof , waxaana tartamaya ku dhawaad 1,000 ( Kun) Musharax oo u kala tartamaya Golaha Wakiilada iyo degaanka ee Soomaaliland.
Xubno kamid ah guddiga doorashooyinka Soomaaliland ayaa waxaa ay sheegeen in doorashadaan ay hagayaan in ka badan 14,000 ( Toban & Afar kun) oo Shaqaale, sidoo kale ay korjoogto ka yihiin 700 oo Wufuud Caalami ah.
Guud ahaan amniga degaannada Soomaaliland ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo la joojiyay dhamaan isku socodka Gaadiidka marka laga reebo kuwa ka qeyb qaadanaya howlaha doorashooyinka.