
Golaha midowga musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan la qaatay guddoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdillaahi, kadib markii ay soo baxeen warar ku saabsan in guddoomiyuhu diiday inuu ka qeyb galo xiritaanka shirkii wadatashiga doorashada.
Kulan saacaddo badan qaatay ayaa midowga musharaxiinta, Senatoro, xildhibaanno iyo siyaasiyiin waxay guddoomiyaha ku qanciyeen inuu shirka ka qeybgalo maadaama uu ka mid yahay masuuliyiinta hadal jeedinta leh.
Guddoomiyaha aqalka sare ayaa saluugsan sida looga heshiiyay soo xulista guddiga farsamada ee loo xilsaarayo khilaafka ka taagan xildhibaanada gobolada waqoooyi.
Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa maalin ka hor kulan la qaatay guddoomiye Cabdixaashi, waxaana war kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha lagu sheegay in kulanka raysal wasaaraha iyo guddoomiyaha uu ku dhamaaday is afgarad.