
Iyadoo maanta lagu wado in lasoo afjaro shirka wadatashiga Qaran ee madaxda Fedaraalka, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir uga socday Teendhada Afisyooni ee magalada Muqdisho.
Waxaa haatan ka soconaayo Teendhada Afisyooni qabanqaabada Munaasabadda lagu saxiixayo heshiiska aay ka wada gaareen madaxda arrimaha doorashada dalka ka dhaceyso,iyagoona soo saari doona War-murtiyeed faahfaahsan.
Munaasabadda ayaa la sheegaya inay ka qeybgalayaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xubno ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta, Wakiilo ka socda Beesha Caalamka, iyo Ururada Bulshada rayidka ah.
