Ingiriiska oo ka hadley arimaha doorashooyinka somaliya

0
219

Ergeyga joogtada ah ee Boqortooyada UK u qaabilsan Qaramada Midoobay, Barbara Woodward ayaa ka hadashay xaaladda adag ee Soomaaliya, gaar ahaan wada-hadallada doorashooyinka ee haatan ka socda magaalada Muqdisho.

Barbara Woodward oo la hadleysay xubnaha golaha ammaanka ayaa ugu baaqday hoggaamiyeyaasha Soomaalida iyo saamileyda kale ee siyaasadeed inay sii wadaan wada-hadallaooda inta xal laga gaarayo, isla-markaana laga aadayo doorasho loo dhan yahay.

Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in jahwareeka jira kaliya looga gudbi karo in la hubiyo doorasho waqtigeeda ku dhacdA, si looga baaqsado xasilloni darro siyaasadeed iyo mid amni.

Waxa kale oo ay intaasi sii raacisay “Rabshadaha siyaasadeed waxay kaliya sii kordhinayaan saameynta halista jirta ee Covid-19, daadadka, abaaraha, cunno yarida, iyo ayaxa oo dhammaantood khatar weyn ku ah xasiloonida mustaqbalka fog ee Soomaaliya. Hogaamiyaasha Soomaalida waa inay sii wadaan ka shaqeynta wax ka qabashada saameynta arimahan”.