Reysulwasaare rooble iyo madaxda maamul goboleedyada oo heshiis wada saxiixdey

0
255

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa goordhoweyd saxiixay heshiiskii doorashada ee mudada badan uu ka taagna khilaafku.

Rooble iyo saxiixayaasha kale ayaa qalinka ku duugay heshiiska doorashada, ayada oo maanta lasoo xirayo shirkii golaha wada-tashiga qaran ee doorashooyinka oo maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Muqdisho.

Sida uu baahiyay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiiska doorashada, kaasi oo xal looga gaarayo is-mari-waagi mudada badan ka taagna qabsoomida doorashada.

Madaxada dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa maalmihii lasoo dhaafay isku fahmay qoddobo adag oo ku gudboona doorashada, taasi oo fudeydisay in heshiis ay wada gaaraan maanta dhamaan dhinacyadu.