Reysulwasaare Rooble oo safar ku tegi doona dalka sacuudiga

0
199

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka somaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la waxaa filayaa in Maalinta Jimcaha ah ee Todobaadkaan uu u dhoofo dalka Sacuudiga Carabiya.

Rooble ayaa tegi doona labada Xaram ee Shariifaynka ee Maka Al-mukarama iyo Madiintul-Munawara, si uu ugu soo cibaadaysto maalmaha u dambeeya ee bishan Barakaysan ee Ramadaan.

Safarkiisa waxaa ku lamaanan kulamo Diplomaasiyadeed oo uu la yeelan doono Madaxda Sacuudiga.

Safarka RW Rooble ayaa noqon doona kii saddexaad ee uu Dibedda ugu ambabaxay tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’isul-wasaaraha bishii September 17-dii ee sanadkii hore ee 2020-ka.