
Dagaal la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan una dhaxeeya labada maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa uu ka socdaa meel u dhow degaanka Haracadeey oo qiyaastii 6km dhanka Galbeedka kaga beegan magaalada Beledweyne.
Labada maleeshiye Beeleed oo beeraleey ah ayaa waxaa ay isku heystaan Dhul ku yaal degaanka ay ku dagaalamayaan, sida ay Idaacadda Risaala ee Magaalada muqdisho u sheegeen dad ku sugan Gobolka Hiiraan.
Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed, iyada oo labadii maalmood ee la soo dhaafay xiisada dagaalka laga dareemayay degaanka Haracadeey ee Gobolka Hiiran.
