Madaxweynaha oo villa somaliya kula kulmay qaar ka tirsan culumaa’udiinka

0
291

Madaxweynaha dowlada federaalka somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka kulan afuro ah kula qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dhibaatooyinka kala duwan ee dib u dhigay dalkeenna lagaga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada diinta iyo Madaxda dowladda.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu culimada ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan wacyi gelinta iyo toosinta bulshada, dib u heshiisiinta iyo deminta colaadaha.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday dowlad-wanaagga, ilaalinta ammaanada shacabka iyo xaqiijinta Caddaaladda.