Xildhibaanada beesha habargidir oo meel uga soo wada jeestey la dagaalanka farmaajo

0
768

Xildhibaanada beesha Habar-gidir oo ay ka mid yihiin Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Odowaa iyo Cabdi Saabir Shuuriye, oo ay wehliyaan odayaasha beesha, ayaa xalay shir jaraa’id ku qabtay xaafadda Shiirkole oo ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo kuwa Jeneral Saadaq John.

Xildhibaanada iyo odayaasha ayaa si isku mid ah uga digay weerar ciidamada dowladda qorsheynayaan inay ku qaadaan Jeneral Saadaq, xilli aad loo soo dhoobay halkaas, kadib markii Saadaq uu shalay galab kasoo tegay gurigiisa oo ku yaalla garoonka Aadan Cadde.

Xildhibaan Cabdi Saabir ayaa sheegay in Farmaajo uu ugaarsi iyo beegsi ku hayey dadka Habar-gidir tan iyo 2017, oo uu si shakhsi ah isaga u beegsaday, laakiin dadka ay iminka arkayaan wax uu yahay, sida uu hadalka u dhigay

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa isna ku eedeyey Farmaajo inuu yahay qabyaaladiiste, soo dhoweystay oo aad u maamuusay Cabdirashiid Janan oo ah dambiile dagaal oo caalamka laga doonayo balse ay isku beel yihiin, halka uu weerar ku yahay Jeneral Saadaq oo lasoo shaqeynayey afar sano.

Dhammaan xildhibaanada ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho inay u diyaar garoobaan inay iska difaacaan Farmaajo, oo ay ugu wada yeereen “hoggaamiye kooxeed sharci-darro” ku jooga Villa Somalia.