
Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan xalay la qaatay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jen Odawaa Yuusuf Raagge.
Taliyaha oo taggay hoyga uu magaalada Muqdisho ka tagan yahay Shariif Sheekh Axmed ayaa dhab ahaan la ogeyn waxa ay ka wada hadleen labada dhinac .
Laakiin ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Shariif Sheekh Axmed uu ka dalbaday taliyaha ciidanka xoogga dalka in aan ciidamada loo adeegsan arrimaha siyaasadda.
Madaxweynayaashii hore ayaa sheegay dhawaan in taallaabadii uu qaaday Baarlamaanka Soomaaliya ee muddo kordhinta ay horseedi karto in dalku dib dagaal ugu noqdo, waana tan ugu weyn ayaa leys leeyahay sababta kulanka labada mas’uul
