Maamul goboleedyada galmudug iyo hirshabeele oo kulan la qaatey golaha musharixinta

0
245

Madaxweynayaasha maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa kulan la qaatay Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo kulankaan ayaa looga hadlay arimaha doorashooyinka gaar ahan muddo kordhintii dhawaan ay sameeyeen Xildhibaanada Muddo xileedkoodii dhammaaday ee Golaha Shacabka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Midowga Musharaxiinta iyo labadda Madaxweyne ay ka qaateen go’aan rasmi ah Muddo kordhinta taasoo ah in aan la aqbalin oo ay si wadajir ah uga soo horjeestaan.

Waxaa lagu waddaa in ay soo saaraan war ku saabsan go’aankooda xilli horay maamulka Galmudug ay u caddeeyeen in aysan aqbali doonin wixii ku saabsan muddo kordhin loona baahan yahay in doorasho la aado.