
Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xunudbey oo xalay shir jaraa’id qabtay isaga oo ku sugan gurigiisa, ayaa si rasmi ah u sheegay in dowladda aysan wax qorshe ah ka laheyn inay weerarto ama soo qabato Saadaq Cumar Xassan (Joon).
Wasiirka ayaa beeniyey in ay markii horeba qorshahaasi jirey iyada oo la ogaa in habeenkii Arbacada ciidamo badan la dul dhigey xaafadda Shiirkole oo markaas uu ku jirey Saadaq Joon, sidoo kalena mar kale halkaas ciidan la geeyey xalay kadib markii uu Saadaq ku laabtay isaga oo kasoo tegay gurigiisa agagaarka garoonka Aadan Cadde.
Xundubey ayaa diginin culus u diray dad uu sheegay inay arrintan siyaasadeynayaan oo ay qas hurinayaan. “Waxaan leenahay faraha kala baxo,” ayuu yiri.
Xundubey ayaa dhinaca kale xaqiijiyey in ciidamada dowladda furfur iyo kala daadin lagu hayo oo ay ka shaqeynayaan siyaasiyiin, waxaana uu ka dalbadey in aan ciidamada la kala furfurin oo siyaasadda laga heshiin doono.
