
Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada ee ku shirsan teendhada Afisyoone ayaa maanta is-faham ka gaaray mid ka mid ah qodobadii ugu adkaa ee la isku hayey, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Dhinacyada ayaa isku fahmay in furitaanka shirka soo socdo ay ka qeyb galaan guddoomiyeyaasha labada Aqal ee baarlamaanka, madaxweynayaashi hore ee dalka, ra’iisul wasaarayaashii hore iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Qodobkan, ayaa ka mid ahaa qodobo ay soo jeediyeen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, kaasoo uu si aad ah uga soo horjeedey inuu ogolaado madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana hadda muuqata in madaxweynaha uu tanaasulay kadib maalmo badan oo la isku fahmi la’aa.
Qodobada kale ee illaa hadda aan heshiiska laga gaarin waxaa ka mid ah in Madaxweynaha saxiixo warqadda xil-gaarsiinta, awooddana ku wareejiyo xukuumadda, amniga doorashada iyo in tallaabo laga qaado taliyeyaashii ku lugta lahaa wixii dhacay weerarkii 19-kii Febraayo lagu qaaday mucaaradka iyo dibad-baxayaal.
