Boliiska magalada winnipeg oo maanta warbaahinta u qeybiyey sawir gabar oo ay ku tuhmayaan inay heyso macluumaad ku saabsan dil loo geystey wiil somali ah bishii ogest sanadkii tegey

0
372

Boliiska magalada winnipeg ayaa dadka magalada waxaa ay weydinayaan ruxii aqoonsada sawirka halkaa idinka muuqda in uu lasoo xiriiro bolisska magalada, iyadoo laga yaabo in ay heyso macluumaad la xiriira dil ka dhacdey magalada bsihii ogost 2020.

Ogost 26 keedii 2020 ayaa boliiiska looga yeeray wadada lagu magacaabo 800 block Alfred Avenue in ay xabad ka dhacdey.

Boliiska markii ay yimaadeen 800 block Alfred Avenue waxaa ay ka heleen wiil dhalinyaro ah oo la xabadeeyey, Markaasi kadib waxaa loo qaadey cisbitaalka isago oo ay aad u liidato xaaladiisa caafimaad taasoo markii dambe sababtey in uu geeryoodo.

Boliiiska waxaa ay sheegeen in shaqsiga lagu magacaabi jirey Mohammed Yonis Ali oo 21 jir ah isla markaana degenaa magalada toronto halka lagu xabadeeyeyna ay tahay halkii uu ka degenaa magalada winnipeg.

Boliiska magalada winnipeg kuwa baara dilalka ka dhaca magalada ayaa maanta oo arbaca ah waxaa ay warbaahinta magalada winnipeg u qeybiyeen sawrir qof dumar ah oo ay ugu tuhmayaan in ay heyso macluumaad ku saabsan dilka Maxammed, Boliiska waxaa kaloo ay sheegeen in gabadhan ay gacanteeda bidixda ku leedahay taatoo ama sawir.

Boliiiska magalada winnipeg waxaa ay shacabka ka codsanayaa Qof kasta oo aqoonsada sawirka gabadhan in ay lasoo xiriiraan 204-986-6508 ama Crime Stoppers at 204-786-8477.

Sources winnipeg ctv news