
Wararka ka imaanaya Maagalada Baydhaba ee xarunta ku meel gaarka u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku warramaya in Saaka dadka degaanka ay kusoo waaberiisteen dhacdo naxdin ku abuurtay bulshada ku dhaqan Magaaladaasi, kadib markii laga helay Magaalada maydka labo carruur ah oo walaalo ah.
Warar ka aan helayno ayaa sheegaya in Samiira iyo Iiman oo ahaa labo caruura oo walaalo ah Maydkooda lasoo dhigay Magaalada, waxaana la sheegay in carruurta la weysanaa tan iyo shalay, iyadoo ehelada carruurtaasi ay baadi goob ugu jireen ilmahaasi.
Carruurta ayaa waxa dhalay sida la sheegayo Xildhibaan hore Aweys Abdullahi oo si weyn looga yaqaanno gudaha Magaalada baydhabo, walina ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga iyo maamulka Magaalada, oo ay kaga hadlayaan dhacdadaasi naxdinta leh ee Baydhabo ak dhacday.
Magaalada ayaa waxaa horay uga dhacay falal arga-gax leh oo carruur loo gaystay, waxaana horay Magaalada lagu faraxumeeyay wiil aad u da’yar, iyadoo dhacdadaasi ay noqotay mid bulshada qaybaheeda kala duwan ay si weyn kaga xumadeen.
