
Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo saartay shuruud hor leh oo ay ku xireyso dadka caalamka kale ka imanaya ee doonaya inay tagaan Cumrada iyo kuwa salaada ku tukanaya masjidka Xaramka, laga bilaabo bisha Ramadaan.
Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in kaliya dadka iska tallaalay cudurka Coronavirus/COVID-19 loo ogolaan doono inay tagaan Cumrada.
Sidoo kale waxaa bayaankaas lagu sheegay in saddex nooc oo dad ah loo arki doono “kuwa tallaalan” – Kuwa qaatay labada goojo ee tallaalka, kuwa qaatay hal goojo ugu yaraan 14 maalmood kahor, iyo kuwa uu ku dhacay xanuunka ee kasoo bogsaday.
Shuruudahan oo ay wasaaraddu sheegtay inay dhaqan geli doonto bisha Ramadaan ee bartamaha bishan April, ayaa waxa xiligaas wixii ka dambeeya loo ogolaan doonaa dadka Tallaalan oo keliya inay gutaan Cumrada ama ay Salaad ku tukadaan Masjidka Xaramka, iyo Masjidka Nebiga NNKH.
