
Waxaa goordhaw dib uga bilaawday Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho shirka u dhaxeeya madaxda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Shirka ayaa hordhac u ah shirka guud ee wadatshiga Qaran ee doorashada Soomaaliya oo maalmaha soo socda lagu wado inuu furmo, waxaana shirka haatan Afisyooni ka socda looga hadlayaa ajandeyaasha shirka guud ee wadatashiga Qaran.
Shirka maanta dib uga furmay Teendhada Afisyooni waxaa ka qeyb galaya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir iyo dhamaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka.
Shirkan maanta ayaa la filayaa in la isku afgarto qodobadii adkaa ee horay isugu mari weysanayeen maalmahii lasoo dhaafay, waxaana shacabka Soomaaliyeed aay rajo weyn ka qabaan in shirka maanta kasoo bixi doonaan natiijooyin wanaagsan.
