
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Barnaamijka la tashiga dadweynaha kala qeyb galay waxgaradka Degmooyinka Xamar Jajab Iyo Xamar Weyne kaas oo lagu qabtay Xarunta Degmada Xamar Jajab.
Waxgaradka labada degmo ayaa u gudbiyay Guddoomiyah baahiyahooda iyagoo diirada saaray dhismaha wadooyinka burbursan ee ku yaala degmooyinkooda, Waxbarahada, Caafinaadka, Horumarinta dhalinyarada, Haweenka iyo Maareynta Biyaha.
Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa sheegay ka sokow labada degmo in dhaman degmooyinka Gobolka Banaadir wadooyinkooda qaar ay biyah yaallaan, taasina ay tahay dhibaato heysta Shacabka Gobolka Banaadir, isla markaana wax ka qaban doonan.
