Ciidamada dowlada oo howlgalo ka fuliyey deegaano ka tirsan gobolka shabelaha hoose

0
187

Ciidamo ka tirsan Ururka 4aad Guutada 16aad ee Ciidamada xoogga dalka Somaaliyeed ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo culus ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalada oo ahaa kuwo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay Ciidamada ka sameeyeen degaannada Baladul-Amiin, Dudumii iyo Fuulaay oo dhamaantood hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose..

Kusimaha taliyaha Ururka 4aad ahna Abaanduulaha Ururka laba xidigle Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa sheegay in howlgalka lagu qabtay Sarkaalkii u qabilsanaa Al-Shabaab waxa ugu yeeraan Sakawaadka, balse uusan shaacin Magaciisa.