Alshabab oo weerarey xero ay ciidamada itoobiyaanka ku lahaayeen degmada xudur

0
118

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku dhex-maray degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee degmada Xudur, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Gooboogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ee la isku adeegsanayay, sidoo kalena uu jir khasaaro kala duwan oo labada dhinac kasoo gaaray dagaalka.