
Shirkii wadatashiga ee loo balansanaa maanta inuu dhexmaro dowladda federalka iyo maamul goboleedyada ayaa maanta dib dhac ku yimid kadib markii madaxweynaha Galmudug uu shalay u safray magaalada Dhuusomareeb.
Madaxda weli ma aysan soo bandhigin illaa iyo hadda wax lagu heshiiyay ama la isku afgartay oo ku saabsan waxyaalihii laga wada hadlayay ee arrimaha doorashada ku saabsanaa.
Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay wada xaajoodka u socda hoggaamiyayasha siyaasada waxayna ku boorriyeen in ay sii joogaan Muqdisho illaa iyo inta xal laga gaarayo caqabadaha hortaagan qabsoomida doorashada.
