Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo ka hadley shirkii beryahan ka socdey xerada afisiyooni

0
342

Madaxweynahii hore maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole kana mid ah mudanayaasha aqalka sare ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan dalka iyo shirarka looga hadlayo arrimaha doorashada ee ka socda magaalada Muqdisho.

Faroole ayaa sheegay inuu rajo ka qabo shirka Afisyoone, wuxuuna taageero weyn u muujiyay Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe oo mowqif adag ka taagan arrimaha taagan, wuxuuna sheegay iney sharci ku taagan yahiin.

Faroole wuxuu maamullada taageersan madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tilmaamay kuwa ku tiirsan Muqdisho, ciidan iyo dhaqale intaba.

Hadalka Faroole ayaa u dhigmaya maamullada dowladda taageersan aysan ka maarmin dowlada oo ay mar walba hoos joogan, taasna ay ku qasbeyso ineysan ka hor imaan, balse labada maamul kale ay yahiin dad isku tashaday.