Madaxweynihii hore ee somaliya oo xaley kulan la qaadey gudoomiyaha aqalka sare

0
177

Madaxweynihii hore ee Soomaliya Shariif Sheekh Axmed isla markaana ah Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ayaa hoygiisa ku booqday Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Labada mas’uul ayaa la sheegayaa in ay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka oo aan weli heshiis laga gaarin, balse loo balansan yahay in go’aan looga gaaro shirka ka furmayo Magalada Dhuusamareeb.

Xogaha laga helay kulanka ayaa sheegay in labada mas’uul ay siweyn uga hadleen arrimo la xiriira doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee ka imaanaya gobolada Waqooyi.