
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Islaam ( Madoobe) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Dhuusamarreeb ee Caasimadda Galmudug, iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.
Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Magalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) iyo Xubno ka tirsan labada Gole ee Galmudug.
Madaxweynaha maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Islaam ( Madoobe) ayaa Magaalada Dhuusamareeb uga qeyb-geli doona shirka wadatashiga Madaxda dowladda, Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.