Madaxweyne Farmaajo oo kulan hor dhac ah la qaatey masuuliyiinta maamulada galmudug, hirshabeele iyo koonfur galbeed

0
143

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay shir gudoominaayey kulan hordhac u ah shirka wadatashiga heer Federaal iyo heer Maaamul-goboleed ee ku saabsan dardar galinta hannaanka doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Masuuliyiinta maamulka Galmudug, Hirshabeele iyo koonfur galbeed.

Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Masuuliyiintan kulanka hordhaca xaley ku yeeshay magalada dhuusamareeb ayaa ahaa kuwo wax badan horey isugula soo afgartey kulankana waxaa ay dadka intiisa badan ku sheegeen in uu yahay kulan ay mowqifkoodii hore kusii adkeysayaan ka hor inta aaney la kulmin masuuliyiinta puntland iyo jubaland