Midowga musharixiinta oo codsadey in la balaariyo kulanka dowlada iyo maamul goboleedyada

0
130

Xubnaha Midoobay Musharixiinta Madaxweynaha Soomaliya ayaa ka hadlay shirka Madaxda dowlada iyo dowlad Goboleedyada uga furmaya Magaalada Dhuusamareeb, iyaga oo soo jeediyay lix qodob oo ay sheegeen in uu muhiim u yahay shirkaas.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa waxaa lagu sheegay in, iyada oo la amba qaadayo muhiimada ay dalkeena u leedahay qabsoomida doorasho wada ogol ah oo si xor iyo xalaal ah ku dhacda, lana tixgelinaayo kala aragti duwanaanta ku aadan meelmarinta heshiiska doorashooyinka, ayay sheegeen in golaha Midowga Musharixiinta fursad u arkaan shirka wadatashiga dhuusamareeb ee lagu baaqay 1-da Bisha Febaraayo ee sanadka 2021 oo Maanta ku began.