Reysulwasaare rooble oo ka qeyb galey janaasadii jeneraal galaal

0
385

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo xubno ka tirsan labada Golle ee dowladda ayaa ka qeybgalay salaada Jinaasada alle ha u naxariisteen Gen Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa dadkii lagu dilay weerarkii Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka salaadda lagula tukaday Masjidka Isbaheysiga ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda lagu aaso degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud kaddib markii ay sidaa codsadeen ehelada marxuumka, hasse ahaatee sagootinka meydkiisa ayaa loo sameeyay maamuus heer Qaran ah.

Jeneraal Galaal ayaa ka mid ahaa saraakiisha fara ku tiriska ah ee aqoonta ballaaran u lahaa arrimaha ciidamada muddo dheerna la soo shaqeeyay dowladdihii militariga aheyd, isaga oo muddadii uu noolaa ku biiriyay aqoontiisa ciidan dhisidda dowladdihii dalka isaga danbeeyay burburkii kaddib.