
Qoraal ay soo dhiggeen Al-shabaab bogga Internetka ay ku leeyihiin ayeey ku sheegeen in bartilmaameedkooda koowaad weerarkii ay ku qaadeen shalay hotelka Afrik uu ahaa sida ay hadalka u dhiggeen Gen Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa dadkii lagu dilay gudaha hotelka.
Waxaa ay sheegeen in uu qeyb weyn ku lahaa qorshayaal lagu dhabar jabiyay xoogagga Ururka Al-shabaab iyo dilka hoggaamiyayaal sar sare oo ka tirsanaa Ururka oo uu ka mid ahaa sida qoraalkooda ay ku baahiyeen Aadan Xaanshi Ceyroow.
Al-shabaab ayaa sidoo kale guud ahaan dadka ay weerarkii Hoteel Afrik ku dileen ku sheegay 23 ruux, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 40 ruux waa sida ay hadalka u dhigeen.