
Kooxo hubeysan ayaa ka dagaallamaya gudaha hoteelka Afrika ee Muqdisho ka dib markii Qaraxyo ismiidaamin ah ay ka dhaceen Afaafka hore ee Hoteelka.
Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ayaa gaaray goobta, waxaana ay bilaabeen in ay la dagaallamaan kooxda weerartay Hoteelka.
Waxaa jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay weerarkan ismiidaaminta ah, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka waxyeelada gaartay.