Duqeymo alshabab lagula beegsadey deegaano ka tiran gobolka bakool

0
147

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay duqeyn saacadihii aynu soo dhaafnay laga fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Bakool oo ay ku sugnaayeen xoogagga Ururka Al-shabaab.

Duqeynta oo ay fuliyeen diyaarado dagaal ayaa lagu beegsaday deegaan lagu magacaabo Ma’madoow oo hoostaga degmada Xudur oo bilihii ugu danbeeyay go’doon ugu jirtay xoogagga Ururka Al-shabaab,

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa u sheegay warbaahinta in duqeyntaa lagu laayay sida ay hadalka u dhigeen saraakiil ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Lama sheegin halka laga lahaa diyaaradaha howlgalka fuliyay hasse ahaatee maalmihii ugu danbeeyayba qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya waxaa duqeymo cirka ka ah ka fulinayay diyaaradaha Mareykanka.