
Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa kulan uu uga furmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wakiilada Beesha caalamka, kaasoo looga hadlayo arrimo dhowr ah.
Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga hadlayaan qabashada shir ay yeelanayaan Madaxda dowladda & dowlad goboleedyada, xilliga uu qabsoomayo iyo halka lagu qabanaayo iyo sidoo kale sidii xal looga gaari lahaa muranka hareeyay doorashooyinka dalka oo aan weli wax heshiis ah laga gaarin.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in safiirka Mareykanka ee Soomaliya Amb, Donald Yamamota uusan qeyb ka heyn kulanka sababo la xiriira in Diblomaasiyiinta Mareykanka aan loo ogoleen inay ka baxaan xeyndaabka garoonka Muqdisho
Xubanaha Beesha Caalamka ayaa waxaa ay Madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada ku cadaadinayaan in heshiis ay ka gaaraan arrimaha doorashooyinka maadaama uu gebogabo yahay mudada xilheynta Madaxda Dowladda Soomaliya.