Banaanbax lagu taageerayo matalaada gobolka banaadir ee aqalka sare oo maanta ka dhacdey magalada muqdisho

0
233

Boqolaal shacab ah ayaa ka qeyb galay iskusoo bax lagu taageerayay Matalaada Aqalka sare Soomaaliya laga Siiyay Gobolka Banaadir oo ah 13 xubnood.

Madaxwqeynaha Soomaaliya ayaa shalay saxiixay qaraar ku saabsan in gobolka Banaadir 13 kursi uu ku yeesho barlamaanka aqalka sare ee soo socdo.

Maaamulka gobolka Banaadir oo soo abaabulay iskusoo baxaan ayaa sheegay in shacabka reer Muqdisho ku muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin in gobolka Banaadir uu markii ugu horaysay matalaad rasmi ah ku yeesho golaha aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye Cumar Finish iyo xildhibaano katirsan barlamaanka oo ka qeyb galay iskusoo baxa ayaa madaxweyne Farmaajo uga mahad celiyay inuu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee qalinka ku duuga matalaada Banaadir.