
Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday madaxda DFS iyo dowlad Goboleedyada in ay xal ka gaaraan arrimaha doorashooyinka ee lagu kala aragti duwan yahay.
War kasoo baxay Safiirka ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in hoggaamiyeyasha Soomaalida ay qaataan go’aan si loo helo doorasho nabadoon.
Warka Safaarada ayaa lagu xusay in waxa xasilooni lagu helikaraa ay tahay doorasho lagu wada qanacsan yahay.
Safiirka ayaa intaasi kusii daray “Ma aqbali doono doorshooyin dhinac keliya ah iyo Isbarbaryaac midna”
