Xukuumada oo gargaarkii ugu horeysay geysay degmada xudur

0
209

Degmada Xudur ee gobolka Bakool oo toddobadyadii aynu soo dhaafnay siweyn looga deyrinayay dadka ku dhaqan xaaladooda nolaleed ayaa waxaa maanta gaaray duulimaadyadii ugu horreeyay oo sida deeq raashin ah oo ay dowladda Soomaaliya u dirtay.

Labo diyaaaradood oo sida shixnado gargaar raashin hor dhac ah ayaa gaaray degmada Xudur halkaa oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in ay halkaasi gaaraan dulimaayado kale oo wadda gargaar kala duwan oo lagu caawinayo dadka degmada oo muddo dheer ay go’doon ku hayaan xoogagga Ururka Al-shabaab.

Si kastaba arintu ha ahaatee raashin duulimaadyo lagu keeney ayaan noqoneyn xalka ay u baahan yihiin shacabka gobolka bakool gaar ahaan degmada xudur, shacabka ayaa waxaa ay u arkaan in uu xalka ku jiro in la furo dhamaan wadooyinka soo gala gobolka iyo degmooyinkiisa.