Midowga musharixiinta oo uga digey madaxweynaha inuu ku dhaqaaqo doorasho hal dhinac ah

0
145

Qoraal kooban oo ka soo baxay midowga musharixiinta ayaa ugu horreyn lagu soo dhaweeyay soo magacaabista guddiyadii heer federaal ee maamul gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland, iyaga oo dhinaca xoojiyay baaqii labada dowlad gobolleed ee ahaa in la qabto shir deg deg ah looga arinsanayo arrimaha doorashada.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayeey uga digeen in uu qabto doorasho hal dhinac ah, taasoo ayeey sheegeen in ay noqon karto mid halis ku ah xasiloonida, midnimada iyo wadajirka dalka