Dowlada oo ku gacan seyrtey gudigii ay soo magacaabeen maamulada puntland iyo jubaland

0
170

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa looga hadlay guddiyada doorasho ee heer Federaal oo ay ku dhawaaqeen labada maamul gobolleed Puntland iyo Jubbaland.

Qoraalka Wasaarrada ayaa lagu sheegay in heshiiskii doorasho ee dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada ay gaareen 17kii bishii September 2020, oo ay meel mariyeen golaha shacabka iyo hab raacyadii ku lifaaqnaa ee sida wadajir ah loo saxiixay 1dii October 2020, ahaayeen kuwo qeexaya hannaanka loo marayo magacaabista guddiyada doorasho heer federaal iyo heer dowlad gobolleed.

Wasaarrada ayaa sheegtay in guddiyada ay shaaciyeen labada maamul gobolleed ee Punland iyo Jubbaland yihiin kuwo gabi ahaanba baalmarsan hannaanka sharciga ah ee loo maro magacaabista guddiyada.