
Gaari ay la socdeen shaqaalaha Soomaalida ah ee la shaqeeya injineerada Turkida ah ee dhismaha ku wada wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa goor dhaw lagu qarxiyey degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Inta la xaqiijiyey hal qof shacab ah oo wadada marayey ayaa ku geeriyooday qaraxaas, sidoo kale qof kale ayaa ku dhaawacmay, waxaana ka badbaaday shaqaalihii lala beegsaday ee la socday gaariga.
Qaraxa oo noociisa lagu sheegay miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa shaqaalaha Soomaalida ah ee wax ka dhisa laamiga xariiriya Muqdisho iyo Afgooye ku haleelay aagga beerta qaadka, waxaa halkaas ku burburay gaarigii ay wateen oo ahaa HILUX.
