Qarax kol dhaweyd ka dhacay degmada diinoor ee gobolka bay

0
179

Wararka inaga soo gaaraya degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa waxaa ay sheegayaan in goor dhaw uu ka dhacay qarax sababay khasaare dhaawacyo ah.

Qaraxan ayaa la sheegayaa in ay ku dhaawacmeen laba askari oo ka tirsan booliska Koonfur Galbeed iyo seddax qof oo shacab ah.

Qaar ka tirsan shacabka degmada diinsoor oo halkaasi ku sugnaa kolka uu qaraxa dhacayey ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxaas uu sababay khasaare dhaawacyo ah, balse aysan jirin wax dhimasho ah.

Qaraxa ayaa la sheegayaa in lagu aasay goob maqaayad ah oo ay isugu yimaadaan askar iyo dad shacab ah, taasoo ku taalla meel aan ka fogeyn saldhigga booliska magaalada Diinsoor.