
Qaar ka tirsan ciidamada dowlada ayaa weerar gaadmo ah lagu diley xili ay marayeen dulleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay in ka badan 8 askari.
Gaadiidka ay la socdeen ciidamada dowladda ayaa weerar jid gal ah lagu qaaday xili ay marayeen deegaan lagu magacaabo Ilbiq, waxaana wararku intaa ku darrayaan in weerarkaasi lagu gubay gaari dagaal oo ay lahaayeen ciidamada Dowladda.
Xoogagga weerarka ku qaaday gaadiidkan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa dagaal culus la galay ciidanka militariga, lamana sheegin wax khasaare ah oo dhankooda soo gaaray Al-shabaab.
