
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa beeniyay in dowladdu fasaxday Qaadkii ka imaan jiray dalka Kenya, isagoo sheegay in si kale loo fasiray hadal uu shalay warbaahinta kasii daayay.
Wasiirka maaliyadda oo maanta sii daayay hadal kooban ayaa sheegay in ujeedada hadalkiisa shalay uu ahaa in ay dowladdu caddayso in aanu qaadka hareeriga ee ka yimaada Ethiopa cidna u xirnayn.
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo warkiisii shalay aan ku caddayn qaadka Hareeriga ayaa keenay in warbaahintu u fasirato inuu ka hadlayay jaadka Kenya ka yimaada oo ay dowladdu ku xirtay sharuudo ciddii lasoo dagaysa.
