Kenya oo sheegtey in ciidamo ay leedahay aysan kasoo talaabin xuduuda ay la wadaagto somaliya

0
150

Wasiirka Wasaarrada Amniga dowladda Kenya Fred Matiang’i ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyn dowladda Soomaaliya oo ah in ay dagaalka Gedo ka qeybqaateen ciidamo ka soo gudbay dhinaca xadka Kenya.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan jirin ciidamo ka gudbay xadka oo ka qeybqaatay dagaalkii Beled-Xaawo isaga oo intaa ku darray in dagaalkaasi uu ahaa mid u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Jawaabta Wasiirka Amniga Kenya ayaa noqoneysa mid toos ah oo ka dhan ah eedeynta uga timid dhinaca dowladda Soomaaliya marka loo eego qoraalkii shalay ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Dibada Kenya.