
Qoraal ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa looga hadlay dagaalkii cuslaa ee maalintii shalay ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo oo ay Wasaarradu ku eedeysay in ay soo abaabushay dowladda Kenya.
Qoraalkan ayaa lagu sheegay in maleeshiyaad sharci darro ah oo ay soo bubeysan dowladda Kenya in ay ka soo gudbeen xadka iyaga oo weerar ku soo qaaday gobolka Gedo gaar ahaan degmada Beled-Xaawo.

