Gudoomiyaha midowga africa oo ka hadley dagaalka beledxaawo

0
225

Guddoomiyaha Midowga Afrika Mousa Faki ayaa sheegay inuu la socdo xiisada ka taagan xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, taas oo u dhaxeeysa Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitte-ka ayaa waxaa uu ku sheegay inay ka walaacsan yihiin xiisadaas & dagaalkii dhacay, waxaana uu ugu baaqay dowladaha Soomaaliya & Kenya inay xiisada dejiyaan.